Himilada Waaberi

 

Madaxweyne Clinton ayaa isaga oo siyaara u jooga Botswana yidhi Afriki waxay u baahantahay raadyow madax bannaan. Madaxweyne Clinton isaga oo sii faah faahinaaya waxa uu yidhi Afrika waxa caadi u noqotay warbaahin xukuumada gacanta ugu jirta kuwaas oo qaarkood yihiin qawleystayaal taasina waxay carqalad ku tahay war sugan.

Baahida loo qabo idaacad madaxbanaan awgeed oo aan cidna ka fasaxqaadan, liisanna aan u baahneyn ayuu Waaberi Broadcasting Services (Radio Waaberi) ka dhashay ee ku soo dhawoow.

Maahmaahaha badan ee umadda Soomaalidu ku qiimeyso waxtarka isgadhsiinta warka iyo warbaahinta waxa ka mid ah: Warbaa u gaajo badan iyo war lahelyaaba talo la hel. Qadarinta warka iyo war isgaadhsiinta iyo xoriyatal qawlku Soomaalida oo qudha kuma koobna ee adduunweynaha oo dhan waa laga aqoonsaday waxaana ka marag kacaysa in loo aqoonsaday in ay ka mid tahay udubada xuquuqal insaanka ee uu qof waliba xaqa u leeyahay. Sidaa awgeedna waajib laga dhigay in la hirgeliyo oo la hor mariyo lana difaaco wargelinta iyo warbahintaba, lana xaaraantimeeyay ku xadgudubka xuquuqal insaanka, cabudhinta, cadaadiska iyo carqaladeynta warka iyo isgaadhsiintiisa.

Haddaba nasiib wanaag casriga amba jiilka maanta la taagan yahay waa mid illiilaha warka la mariyaa sii kordhayaan imkaaniyaadka lagu bahiyaana sii sahlanaanayaan maalin walba. Halka maanta laga gaadhay warbaahinta sida ay u taaba qaaday iyo sida ay u fududahay waxay dhaxal gelisay in casrigan loogu magacaabo casrigii war isgadsiinta.

Nasiib darro se halka ummadda hore u martay ay ka haqab beeshay war kuna warwereyso in ay ku haftaan ummadda af-Soomaaliga wadaagta ee ku dhaqan geeska Afrika waxay u jeelanyihiin una jahwareersanyihiin war la’aan iyo war xumo tashiil.

Halka inanka/inanta joogta New York ay iyaga oo telifishonka daawanaya ay raadyowgana dhageysan karaan isla markaana telefoonka ku hadli karaan iyaga oo internetka sabbeynaaya jarriiradana dhinac ka akhrisanaaya innanka/innanta joogta geeska Afrika ee Soomaalida ihi iyagaaba buro sida hadday heli karraan raadyow ay in yar oo war ah ka dhegeystaan.

Waxa la isku raacsan yahay in ay Soomaalidu ka mid tahay kuwa aduunka dhaqaale iyo siyaasi ahaanba ugu liita sababaha halkaa dhigayna ay ka mid yihiin inkasta oo aanay ku koobneyn xukun xumo dagaalo sokeeye tacliin darro ay u wehiliso war suquqol ah oo aan weliba sugneyn.

Haddaba isaga oo maamulka raadio Waaberi uu ka dheregsan yahay in aan xaalada dhaqaale amba farsamo ee ka taagan geeska Afrika aanay saamaxeyn in ay warka ka helaan jaraa'id iyo telefishan madaxbannaan internet iska dhaafoo waxay isku taxaluujiyeen in ay suurta geliyaan sida ugu sahlan ee ugu jaban ee ummadda af-Soomaaliga wadaagtaa uga haqab beeli lahayd war sugan oo dheelitiran. Taasina waxay noqotay in idaacad wada gaadha ummadda af-Soomaaliga wadaagta ee ku baahsan geeska Afrika, Carabaha iyo adduunweynaha intiisa kale la sameeyo. Baahidaasi awgeed ayuu Cali Gulaid ka aasaasey Waaberi Broadcasting Services.

Haddaba maamulka Waaberi Broadcasting Services ujeedadiisu waxay tahay isaga oo ka duulaaya ahmiyada baahida warka iyo xuquuqal insaanka ee Soomaalida iyo Caalamkuba aqoonsaday:

  • U heelananta horumarinta iyo hagarlaanta warbaahin cafimaad qabta oo madaxbanaan oo ka reeban dacaayad, aflagaado iyo diradiraalenimo oo aan qof shakhsi ah, qolo gooni ah, gobol, xisbi, amba wacyi gaar ah midna u adeegeyn.
  • Hirgelinta iyo fidinta ku dhaqanka siyaasadeed ee dimoqraadiga ah
  • Fidinta manaafacaadka ku dhafan xukun sirban oo simman; doorashooyin iyo ganacsi xor ah oo xalaal ah iyo dhaqaale madaxbannaan
  • Wacyi gelinta muddurada musuqmaasuqa; hawraarsanaanta dulqaadka; isku dhex noolaashaha; tixgelinta xuquuqal insaanka
  • Ka digniinta u feejignaanta cambaareynta iyo curyaaminta argagaxisnimada
  • Xoojinta iyo horumarka nabadgelyada iyo wacyi gelinta siyaasiga ah
  • Dhiiri gelinta, dhismaha, tixgelinta iyo ta'kuleynta mucaarid taabo gala oo hana qaada si loo helo demoqraadiyad dheelitiran loogana badbaado kelidii taliye iyo diktaatoornimo
  • Ka taxadurka cudurada la kala qaado iyo faafinta sababaha keena

Balanqaad

Maamulka Waaberi Broadcasting Services waxa uu ku balanqaadayaa in uu:

  • u hogaansamo kuna dhaqmayo xeerka xuquuqda iyo waajibaadka iyo shuruudaha u yaala suxufiyiinta adduunka (International declaration of the rights and obligations of journalism).
  • isku taxaluujiyo in ay si cilmiyeysan oo dhexdhexaad ah xogta u raadiyaan una soo shaac bixiyaan iyaga oo aan dan kale ka la heyn.
  • ku dadaalo kala soocida warka, faalada iyo fikrada shakhsiga ah soona tebiyo warka taagan iyo macluumaadka kale ee loo baahanyahayba.

 

Gebogebo

Maamulka Waaberi Broadcasting Services waxa uu aaminsan yahay warku in aanu xad laheyn aduunyadiina ay maanta noqotay xaafad. Sida awgeed Radio Waaberi inta awoodiisu ku sinto waxa uu ka soo waramayaa adduunka isaga oo hormood ka noqon doona wararka wax ku oolka ah ee khuseeya Soomaalida meel kasta ha joogaani.

Barnaamijyada ka bixi doona Waaberi Broadcasting Services waxay u badnaanayaan iyaga oo aan ku koobnaaneyn war wixii jira ee xiisa leh, doodo ku waajahan siyaasadda, horumarka bulshada, dhaqaalaha, nabedgelyada, caafimaadka, tacliinta, taariikhda, kaalinta qurba joogga, nabaadguurka, arrimaha dumarka iyo dadka la caddaadiyo.

Waaberi Broadcasting Services waa waaxda raadyowga warbaahinta hoos timaada hay'adda samafalka ah ee la yidhaahdo Waaberi Broadcasting Services Corporation ee ka diiwaaan gashan waddanka Mareykanga khaastan gobolka California.

Sidaa iyo maqal wanaagsan

Ali Gulaid

Maddaxa Waaberi Broadcasting Services

Home | About us | Mission | Contact
Himilada Waaberi